Madaxweynaha Muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa mar kale faragelin ku sameeyay Doorashada Dadban ee dalka, isagoo Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyay inuu ku fashilmay hirgelinta Doorashada.
Farmaajo wuxuu dib ula noqday xilkii hoggaaminta Doorashada ee uu ku wareejiyay Ra’iisal wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, wuxuuna u gogol xaarayaa shir uu isugu yeeray ,madaxda maamul Goboleedyada oo xilligan aanay caddeyn cidda ku taageeri doonta tallaabadda qar-iska-tuurnimada ah ee u qaaday.
Farmaajo oo muddo dheer meermeerinayey Doorashada, isla markaana ku dhowaad sanad sharci la’aan ku fadhiya xilka wuxuu isku dayey inuu muddo kororsi 2 sano sameysato, taasoo dhalisay qalalaase iyo dagaal keenay in laga wareejiyo Doorashada May 1, 2021.
Mar kale ayuu Farmaajo isbedelay, laakiin markan isaga ayaa isku ballan furay oo jebiyay saacado ka hor warkii kasoo yeeray ee shalay ahaa in Doorashadu meel fiican mareyso, loona baahan yahay in la deddejiyo.
Tallaabada uu qaaday Farmaajo waxay Soomaaliya u jiheysay xiisad cusub iyo dib loogu noqday is-mari waagii Doorashada iyo Teendhada Afisyoone (April 2021) xilligaas oo Farmaajo iyo saddex maamul Goboleed oo taageersan isku soo hareen, waxna dhaqaajin waayeen ilaa odayga laga wareejiyo Doorashada.
Xaaladda cusub ee uu dalka geliyey Farmaajo iyo inqilaabka uu ku sameeyay Doorashada, waxaa ka dhalan doona xaaladaha soo socda midkood:
1- QALALAASE IYO DAGAAL
Waxaa dib u soo laaban kara is-mari waa iyo qalallaase cusub iyo dagaal, haddii Farmaajo hjor istaago Doorashada ama ku dhiirado xil ka qaadista Ra’iisal wasaare Rooble, isagoo adeegsanaya Baarlamaankii hore.
2- IS MARI WAA JIITAMA
Haddii Farmaajo dib u helo taageerada madaxda Maamul Goboleedyada hore u taageeri jiray, haddana uu isku halleynayo ee Galmudud, Hirshabeelle iyo K/Galbeed, waxay xaaladu ku laaban doonaa is-mari waagii Doorashada ku socotay intii aan Farmaajo laga wareejin xilkeeda.
3- ROOBLE OO KAALINTIISA QAATA
Ra’iisal wasaare Rooble waxaa horyaalla mas’uuliyad adag iyo xaalad uu qaadan karo go’aan hoggamaanineed, dalkana ugu hagi karo Doorasho, haddii uu mas’uuliyadiisa qaato, kuna guuleysto inuu isku hayo Golaha Wadatashiga iyo madaxda maamul Goboleedyada ama intooda badan.
Waxaa looga fadhiyaa Rooble inuu kasbado taageerada bulshada iyo madaxda maamul Goboleedyada dalka, kana guuleysto damaca kooxda Farmaajo, si dalka looga badbaadiyo halista uu galay, waana dariiqa kaliya ee xaaladan looga gudbi karo.
Dad badan oo markii hore taagersanaa Farmaajo ayaa soo fahmaya xeeladihii uu mudadda dheer ku hortaagnaa inay dalka Doorasho ka dhacdo oo maalinba heer soo joogtay ilaa uu saqdii dhexe ee xalay soo saaray wareegtadii ballan jebinta iyo xaalad abuurka dhalisay.
Wadani

