Waxaa lagu doortay si lama filaan ah, waxaana lagu soo dhoweeyay xamaasad iyo hami sare oo shacabku ka qabeen inuu isbedel ku sameeyo xaaladda siyaasadda, musuqa iyo ami la’aanta, laakiin Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo 4 sano oo 4 bilood dhiman markii uu xafiiska fadhiyey wuxuu lumiyey wax waliba oo ballanqaaday, waajibadyadii loo igmaday iyo saaxiibadiisii, wuxuuna kusoo baxay shaqsi dhinac kasta ka go’doonsan.
Kadib heshiiskii Doorashada 2021 ee shalay 17 September 2020 lagu saxiixay Villa Somalia, wuxuu Madaxweyne Farmaajo lumiyey saddex fursadood oo uu taariikhda ku geli lahaa, waxaana lagu tilmaami karaa madaxweyne Villa Somalia albaab ka Galay mid kalena uga baxay oo aan ka tegi doonin wax lagu xusuusto oo aan ka ahayn dib u dhacyadii uu u geystay hannaankii dowladnimo ee Soomaaliya.
LUMINTA BALANQAAYADIISII & WAAJIBAADYADII LOO IGMADAY
Dowladii uu hoggaamiyey Madaxweyne Farmaajo waxay ku dhisneyd ballanqaadyo uu doorashada ku galay oo dhammaantood in la fuliyo iska dhaafe isu bedelay inuu la dagaalamo, mana jiraan waxqabadyo kale oo lagu iloobi karo oo uu ka fuliyey howlihii horyaallay. Tusaale ahaan: Dastuurki lama dhammeystirin; Amnigii waxba lagama qaban, Alshabaabna lagama adkaan, Amni darraduna waa kasii dartay; Doorasho Qof iyo Cod ah waa lagu fashilmay, dalkuna wuxuu dib ugu laabanayaa hannaankii doorasho ee 2016.
LUMINTA TAAGEERADA SHACABKA
Intii uu Kursiga fadhiyey Madaxweyne Farmaajo wuxuu maalin kasta sii luminayey taageerada shacabkii aan sida kala harka lahayn u soo dhoweeyay Doorashadiisa 2017 ee rajada ka qabay isbedel nololeed, markii laga soo tago Amni-darrada iyo wadooyinka lasii xiray ee caasimadda, waxaa meesha ka baxay rajadii ugu danbeysay ee ahayd Doorasho Qof iyo Cod ah, taasoo ahayd wixii ugu danbeeyay ee Farmaajo ku doodi jiray inuu awoodda u dhoweynayo Shacabka.
LUMINTA SAAXIIBADA
Madaxweyne Farmaajo wuxuu talada qabtay isagoo ka mid ahaa xisbigii TAYO, laakiin muddo sanad ka yar wuxuu lumiyey dadkii uu waaweynaa ee ay mabda’ wadaagga ahaayeen oo ay ugu horeysay Wasiir Maryan Qaasim ilaa ugu danbeynta uu meesha ka saaray Ra’iisal wasaarihiisii Xasan Cali Kheyre, waxaana kusoo haray oo kaliya Fahad Yaasiin iyo la-taliyeyaal hoose oo mustqbalkiisa siyaasadeed dhawac halis ah gaarsiiyey.
Fursadii ugu danbeysay ee Madaxweyne Farmaajo taariikh ku geli lahaa waxay ahayd inay xilka wada dhammeystaan Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre oo 2 bilood kadib uu nasiib darro ogolaatay wixii ay isu qabtaan ee xilka looga qaaday oo ahayd Doorasho Dadban iyo Kororsiimo la’aan.

GABAGABO
Fashilka Madaxweyne Farmaajo dhinac kasta uga yimid ee uu ku aakhirsaday muddo xileedkiisa xafiiska Villa Somalia wuxuu saameyn ku yeelan doonaa damaciisa uu saaxiibo badan ku waayey ee ah in dib loogu doorto xilka Madaxweynaha, waxayna taariikhda dhow ku qori doontaa Farmaajo mid ka mida madaxweynayaashii ugu waxqabadka liitay ee soo mara Soomaaliyada cusub.
FAAQIDAAD GOOBJOOGE