Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 28
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Safaaradda Iiraan oo si kulul uga hadashay xafladii ciidamada NISA ka joojiyeen (Dal saddexaad oo ay eedeeysay)

    Safaaradda Iiraan oo si kulul uga hadashay xafladii ciidamada NISA ka joojiyeen (Dal saddexaad oo ay eedeeysay)

    December 24, 2015Updated:December 24, 20152 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Safaaradda Iiraan ee magaalada Muqdisho ayaa war ka soo saartay xaflad ay soo qabanqaabisay oo maanta ciidamada Nabadsugidda ay kala eryeen dadkii ka soo qeybgalay. Safiir ku xigeenka Iran ee Soomaaliya Javad Dehghan Latfabadi  ayaa  sheegay in dad  gacan sedexaad ama dal sedexaad  inay ka shaqeynayaan isku dhaca Soomaaliya iyo Iiraan.

    Safiirka wuxuu faahfaahin ka bixiyay xafladii maanta la joojiyay isagoo sheegay in hay’adda samafalka ay Imaam Khumeyni ay Muqdisho ku qabatay xaflad lagu xusayo dhalashada Nabi Muxamed iyo haddiyo lagu gudoon siin lahaa Lamaane is aroosay, arday iyo Ciyaartoy ka tirsan kooxaha heerka koowaad.

    Safiirka xigeenka wuxuu sheegay in dadka Lamaanaha ah la siin lahaa qalabka guriga ay u soo gudbiyeen magacyadooda  Wasaaradaha Shaqada iyo Shaqaalaha iyo wasaaradda dhalinyarada iyo Sportiga iyo Baarlamaanka Soomaaliya.

    Dadkan ayaa sida uu Safiirka sheegay waxaa ay ka koobnaayeen 15 Caruus, 15 ardey, 10 qof oo bartay Harqaanka iyo 5 ciyaartooy oo Kabtan ka ah kooxaha xeerka koobaad ee Soomaaliya. wuxuu intaas ku daray in dadka arooska oo gaaraya ilaa 15 qof, waxaa la siin lahaa midkiiba $200 oo Kaash ah iyo Alaab u dhiganta $358, halka ardeyda la siin lahaa qalab waxbarasho iyo Ciyaartoyda oo la siin lahaa Kubao iyo Min $200.

    Safiirka ayaa sharxay sidii ay wax u dhaceen isagoo sheegay in ciidamada amaanka ay soo galeen xafladda oo socota iyagoo ku amray dadkii Hoolka joogay in ay kala tagaan, Wasiirka iyo Xildhibaanka ayaa isku dayey in ay la hadlaan lakin hay’adaha amaanka waxaa ay ku adkeysteen in dadka baxaan. Safiirka oo codkiisa xanaaq ka muuqato ayaa sheegay in hay’adaha amaanka ay garaaceen darawalkiisa isla markaana ay xireen mid shaqaalihiisa ka tirsan.

    Isha: Goobjoog

    Muqdisho Safaaradda Iiraan
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleCiidamada Nabadsugidda oo kala eryay xaflad Safaaradda Iiraan soo qabanqaabisay (Akhri Faahfaahin)
    Next Article Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya oo ansixiyay Sharci cusub

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo