Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ka hadashay bannaanbaxyada iyo qaska ka socda dalka Itoobiya oo keenay in lagu dilo dad fara badan.
Safaaradda Mareykanka ee Adis ababa ayaa war ay soo saartay ku sheegtay inay ka walaacsan tahay qalalaasaha ka dhacay guud ahaan dalka Itoobiya, gaar ahaan gobollada Oromia iyo Amhara.
Safaaradda Mareykanka ayaa warka ay soo saartay uu ahaa mid lala yaabo iyadoo iska dhowrtay inay cambaareysay dowladda dalkaasi, waxayna ku gaabsatay inay ka xun tahay dadka la dilay oo ciidamo iyo shacab isugu jira, waxayna intaas ku dartay inaysan heynin tirada dadka dhintay.
Safaarada Mareykanka ee Itoobiya ayaa qiil u sameysay in inta badan banaanbaxyada aanay heysan fasax, waxayna ku baaqday in la taageero kuwa raadinaya in xal nabadeed loo helo dhibaatada.
Warkan ayaa noqonaya midkii ugu yaab badnaa oo dowladda Mareykanka ay isku barbar taagto dowladda Itoobiya oo ururada xuquuqda aadanha u dooda ku eedeeyeen inay 100 qof ciidamadeed ku dileen banaanbaxyadii toddobaadkii ugu danbeeyay ka dhacay Itoobiya.
HOOS KA AKHRI BAYAANKA SAFAARADDA MAREYKANKA EE ADDIS
Statement by the U.S. Embassy
Addis Ababa, August 8, 2016: The U.S. Embassy is deeply concerned with the extensive violence that occurred during protests across Ethiopia this weekend in the Oromia and Amhara regions. We have noted reports that protestors and security officials have been injured or killed, although confirmed numbers are not available.
The U.S. Embassy expresses its deep condolences to those who suffered as a result of the violence and regrets the damage to livelihoods, economic development, and the social fabric that such violence brings. We recognize that many of the demonstrations took place without authorization, and urge all parties to support those who are seeking constructive dialog and peaceful solutions. We reaffirm our call to respect the constitutionally enshrined rights of all citizens, including those with opposition views, to gather peacefully, and to express their opinions.
Wadani.com