Safaaradda Mareykanka ee magaalada Nairobi ayaa soo saartay digniin ku saabsan weerar argagixiso oo ka dhici kara Hotel ku yaalla magaalada Muqdisho.
Safaaradda ayaa soo saartay farriin degdeg oo loo diray dadka Mareykanka ee ku nool magaalada Nairobi, waxayna farriinteeda ku sheegtay in kooxo argagixiso ay qorsheynayaan weerar culus oo ay ku qaadayaan Hotel weyn oo ku yaalla magaalada Nairobi.
Safaaradu ma sheegin hotelka weerarka loo qorsheeyay oo ay ku gaabsatay inaan lasoo caddeyn hotelka uu yahay kan weerarka ka dhacayo, laakiin waxay sheegtay in la rumeysan yahay in Hotelka uu yahay mid caan ah oo dad badan oo dalxiisayaal iyo ajanbi ah ay tagaan.
Dadka Mareykanka ayaa loogu baaqay inay taxadir dheeraad ah muujiyaan marka ay joogaan Hotelada ku yaalla magaalada Nairobi, ayna sii diyaarsadaan qorshe ay sida ugu degdegta badan uga bixi karaan Hoteelada, sidoo kalena ay isha ku hayaan warbaahinta gudaha.
Hay’adaha Amniga Kenya ayaa iyaguna sheegay inay heegan sare ku jiraan, waxayna dadka Kenya ku booriyeen inay feejignaan muujiyaan wixii ay ka shakiyaan u gudbiyaan Booliska, iyagoo shaqadooda caadiga ah wadanaya.