Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa shaacisay kulamo uu shalay iyo maanta safiirka Donald Yamamoto la yeeshay Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni iyo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Qoraalka Safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in inuu safiirka kala hadlay Axmed Madoobe iyo Siciid Deni inay kala shaqeeyaan Madaxweynaha Soomaaliya sidii loo dhammeystiri lahaa Heshiiskii Dhuusamareeb 3 iyo faahfaahinta dhaqan gelintiisa.
“Soomaaliya waxay u baahan tahay wadar ogol iyo heshiis – Waxaa la joogaa xilligii ay hogaamiyeyaasha muujin lahaayeen xikmad” ayaa lagu yiri qoraalka Safaaradda Mareykanka.
Dhinaca kale Safiirka Mareykanka Donald Yamamoto ayaa maanta la kulmay Madaxweynihii hore, waxayna safaaraddu shaacisay u muuqdaan arrimo dhiirigelin ah oo ku saabsan inay Saamileyda Siyaasiyiinta Soomaalida ay raadinayaan heshiis si waqtigiisa loogu fuliyo heshiis loo dhan yahay oo lagu dhiso Dhuusmaareeb 3.
