Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ayaa farriin wargelin ah u dirtay Soomaalida ku xayiran dalka Kenya ee doonaya inay Soomaaliya dib ugu laabtaan.
Wargelinta Safaaradda ayaa lagu sheegay in dadkaasi laga doonayo inay iska-diiwaan geliyaan shirkadda Diyaaradaha Daallo, isla markaana kaliya la qaadi doono dadka iska baara cudurka Coronavirus ee laga waayo, haddii ay heystaan Baasaboor Soomaali ah, ayna goostaan tikidhka ugu dadneyn 17-ka May 2020-ka.
HOOS KA AKHRISO FARRIINTA SAFAARADDA
Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya waxa ay ogaysiinaysaa dadka Soomaaliyeed ee ku xayiran magaallada Nairobi ee is-diiwaan geliyay iyo kuwa aan wali is diiwaan gelin in Shirkadda Diyaaradaha ee Daallo Airline ay u jari doonto Tikityadii ay ku laaban lahaayeen.
Shirkadda Daallo waxa ay la xiriiri doontaa dhammaan dadkii is-diiwaan geliyay ee haysta Baasaboorka Soomaaliya ama Degganaanshaha Soomaaliya, iyo dadka aan wali is-diiwaan gelin ee doonaya in ay laabtaan.
Qof kasta oo safraya waa in uu iska baaraa cudurka COVID-19, kaliya dadka laga waayo cudurkaas ayaa la qaadi doonaa. Sidoo kale dadku waa in ay haystaan Tikitka diyaaradda ugu dambayn 17ka May, 2020ka oo ah maalinta ugu dambaysa is-diiwaan gelinta.Waxa aad booqan kartaan Xafiiska Shirkadda Daallo Airline ee Xaafadda Islii oo ku yaalla ka soo horjeedka daarta Shariifka, ama kala xiriir taleefoon lambarkaan 0774 497979 ama 0720 497 979.FG.
Kaalinta Safaaradda ee ku saabsan dib-u-celintan waa kaliya in ay fududeyso sidii diyaaradaha dib-u-celinaya muwaadiniinta Soomaaliyeed loogu oggolaan lahaa in ay ka duulaan dalka Kenya, kana degaan dalka Soomaaliya.