Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay dalka Kenya, haddana ah wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya ayaa xilka wareejiyay iyadoo aan weli safiir loo magacaabin safaaradda.
Wasiir Jamaal Xasan Maxamed ayaa xilka ku wareejiyay Qunsulka Cali Baqadaadi, kadib xaflad ka dhacay xarunta Safaaradda ee magaalada Nairobi, wuxuuna xilka u sii wadi doonaa si kumeelgaara.
Safiir kuxigeenka Safaaradda C/raxmaan Aadan Cusmaan Kampala oo dhowaan xilkaasi loo magacaabay ayaa la sheegay inuusan weli ogolaansho ka helin dowladda Kenya, taasoo keentay inuu sharci ahaan Qunsulka sii wado shaqada.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaan weli magacaabin xilal safiirnimo dhowr ah oo bannaan sida safiirka Kenya, UN-ka iyo Turkiga, waxayna safaaradda Kenya ka mid tahay safaaradaha ugu waaweyn ee dowladda federaalka.
SAWIRRO