Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxmed C/llaahi Farmaajo ayaa si qarsoodi ah ugu laabtay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo ka qeybgalay shir madaxeedkii dalalka Carabta ee ka dhacay magaalada Cammaan ee dalka Jordan ayaa wax soo dhoweyn ah loo sameyn, isla markaana la ogeysiin madaxda kale ee dalka, marka laga reebo agaasimka madaxtooyadda.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ka warhelay shalay inuu madaxweynaha ku sugan yahay xarunta madaxtooyada, iyagoo aan ka war helin imaanshihiisa.
Isbedela Farmaajo soo kordhiyay ayay ka mid noqotay in gebi ahaan meesha laga saaray maamuusii sagootinta iyo soo dhoweynta madaxweynaha xilliyada uu safro.
Wadani.com