Safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyay Magaalada Muqdisho Mr. Cemalettin Kani Torun ayaa Madaxweynaha waqtiga xilkiisu sii dhammaanayo ee Maxamed C/llaahi Farmaajo ugu baaqay inuu la yimaado Qaangaarnimo siyaasadeed.
Safiirka oo faallo ka bixiyey xaaladda maanta ka taagan Muqdisho ee dowladda Farmaajo kala xiray Wadooyinkii, ciidamo badanna dul dhigay xarumaha mushariixinta xilka Madaxweynaha ee Doorashada 2021 ayuu qoraalkiisa kula taliyey Madaxweyne Farmaajo inuu raaco dariiqii Madaxweynayaashii hore.
“Waxaan rajeynayaa in Madaxweyne Maxamed Farmaajo uu muujin doono Qaanqaarnimo (siyaasadeed) oo la mida sidii ay sameeyaan Madaxweyne Sheekh Shariif iyo Madaxweyne Xasan Sheekh sanadihii Doorashada ee 2012 iyo 2016. Soomaaliya waxay u baahan tahay heshiis ee uma baahna iska hor imaad..”. ayuu farriintiisa ku yiri safiirkii hore ee Turkiga u fadhiyey Soomaaliya Mr. Kani Torun.
