Mid ka mida safiirada Soomaalida u fadhiya dalalka dibadda ayaa afka furtay isagoo tiriyay maanso uu ku weeraryo go’aankii dowladda uu ka tirsan yahay ka qaadatay arrinta C/kariin Muuse Qalbi dhagax.
Safiirka Soomaaliya ee magaalada Doha dalka Qatar Cumar Cali Idiris ayaa soo diray jiifto kooban oo uu ku weeraray dowlada Soomaaliya, isagoo ceeb ku tilmaamay sarkaalka ONLF oo loo gudbiyay dalka Itoobiya.
Safiirka ayaa ka mid ahaa kooxdii Asmara ee maxkamadaha islaamiga, isagoo ku dhiiraday inuu ka hor yimaado go’aanka xukuumadda Soomaaliya iyo dowladda uu metelo ay qaadatay, taasoo inta badan aan dhicin.
HOOS KA AKHRISO

XAMAREEY MAXAA DHACAY
Xaruntii dalkaygaay
Xamarey maxaa dhacay
Xaashaa Lillaahiye
Xornimadi maxaa dilay
Magacaagi yaa xaday
Xabashida Ka iibsaday
Yaa suuq xumaanoo
dadka lagu xaraashiyo
Xero ceeba kaa dhigay
Xilliyadi adkaayee
Xididadu nuglaayeen
Geesiyadi xanuunkiyo
Xabbadaha u babac dhigay
Xinjirtooda kuu shubay
Ma xabaalahaa laqay?
CUMAR