Qabanqaabada xaflada caleemo saarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa ka bilaabtay Muqdish, iyadoo ay hareysay xaalad mugsi ku jiro.
Magacaabidda guddi ka shaqeynaya xafladda xilka wareejinta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa socota, waxaana warar xogogaal ah aya sheegayaan in madaxda Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ay intooda badan dalka ka maqan yihiin.
Arrintan waxay keentay in Guddigan oo ka shaqeyn doona xaflada caleemosaarka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo guddoomiye loogu magacaabay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan.
Guddigan oo ka kooban xubno isugu jira saraakiisha ammaanka iyo kuwa protocol-ka ayaa howshoodu noqon doontaa sidii ay u dhameystiri lahaayeen awood kala wareejinta dowladdii hore iyo dowladda cusub ee Soomaaliya.
Maalinta caleemo saarka madaxweynaha cusub ayaa lagu wadaa inay dhacdo toddobaadka soo socda dhexdiisa, waxaana la sheegay in madaxweynaha cusub ee Farmaajo uu doonayo in si degdeg arrintan u dhacdo.
Qabanqaabada xafladda ayaa ah howl weyn oo adag iyadoo la sugayo madax ka tirsan dalalka deriska inay kasoo qeyb galaan.
Wadani.com