Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa dib uga noqday magcaabidii uu Katherine Simonds Dhanani bishii Feberaayo u magacaabay inay noqoto safiirka Maraykanka ee Soomaaliya. War-saxaafadeed ka soo baxay Aqalka Cad ayaa lagu caddeeyay in arrintan.
Safiiradan ayaa noqon lahayd tii ugu horeysay ee Soomaaliya loo soo magacaabo kadib dagaaladii sokeeye, waxayna dib u dhac ku keeni kartaa xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka oo dowladda Obama ay dadaal ugu jirtay, waxaana dhowaan Muqdisho booqday xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka John Kerry.
Magacaabidda Safiirada Mareykanka ayaa dhaqan galeysa kadib markii ay ansixiyaan Golaha Odayaasha Mareykanka. Obama ayaa lagu wadaa inuu safiir cusub soo magacaabo.
Wadani.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]