Safiirka dalka Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz iyo safiirka Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza oo la socda wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne.
Wafdiga waxaa garoonka Ugaas Khaliif ee magaalada Belwdweyne kusoo dhoweeyay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeele Cali C/llaahi Guudlawe, Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan, xildhibaano ka tirsan Baraalmaanka Dowladda Soomaaliya iyo wasiiromaamulka Hirshabeele.
Socdaalkan ayaa ka dambeeyay iyadoo shalay maamulka Hirshabeelle lagu wareejiyey deeq ka timid dalka Qatar oo diyarad ay geysay magaalada Beledweyne, waxaana lagu wadaa in diyaarado kale oo gargaar sida ay tagaan magaalada Beledweyne oo saameyn weyn ay ku yeelatay fatahaad, ayna ku barakaceen in ka badan 40-kun oo qoys.



