Safiirada Golaha ammaanka Q/Midoobay oo maanta socdaal ku yimid magaalada Muqdisho, isla markaana kulamo kala duwan la yeeshay madaxda Soomaalida iyo qeybaha Bulshada ayaa soo gabagabeeyay socdaalkooda iyagoo ka duulay garoonka Muqdisho maqribnimadii.
15-ka xubnood ee safiirada Golaha Ammaanka waxay ku sheegeen war ka soo baxay inay si buuxda u garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed oo ku jira marxalad kala guur ah.
Waxay soo dhoweeyeen xilliga kala guurka ah iyo dadaalada lagu doonayo in dowlad cusub iyo doorasho ay ka dhacdo Soomaaliya aakhirka sanadkan.
Waxay kaloo ugu baaqeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya inuu si degdeg ah u ansixiyo heshiiska Doorashada 2016 si howlaha u diyaar garowga doorashada loo bilaabo, waxayna u adkeysteen in joogo waqtigii hore loo socon lahaa.
SAWIRRO
Wadani.com