Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay safiiradii ugu badnaa oo mar qura uu magacaabo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Toban (10) Safiir ayaa oo Wasaaaradda Arrimaha Dibadda ay Golaha Wasiirada hor geysay ayaan la sheegin dallaka ay ay ka howlgeli doonaan, waxaana ku jira siyaasiyiin caan ah oo xilal hore so qabtay.
Safiirada cusub ee Madaxweyne Xasan Sheekh magacaabay waxaa ka mida Cali Cabdi Awaare oo ka mida siyaasiyiinta caanka ah ee Puntland, Khadiija Maxamed Cosoble oo xildhibaan hore soo noqotay, wasiir hore Xuseen Cabdi Xalane iyo Ra’isal wasaare ku xigeenkii hore Ridwaan xersi
Magacyada Safiirrada la magacaabay waxa ay kala yihiin:
1. Ridwan Xersi Maxamed
2. Xuseen Cabdi Xalane
3. Khadiija Cosoble Cali
4. Cabdicasiis Maxamuud Maxamed (Farabadane)
5. Cabdullaahi Maxamed Sheekh Cabdullaahi
6. Cali Cabdi Awaare
7. Cali Maxamed Abuukar (Ali Wolf)
8. Bashiir Xasan Xaaji
9. Fathudin Cali Maxamed
10. Khadra A Dualle
Kulanka Golaha Wasiirada waxaa guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Saalax Axmed Jaamac, iyadoo sidoo kale lagu meelmariyay Habraaca Dhaqangelinta Xakameynta Hubka, Rasaasta iyo Waxyaabaha Qarxa.