Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadahiisa aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee dowladda Itoobiya u fadhin doona Soomaaliya.
Safirka cusub ee Itoobiya oo lagu magacaabo Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan ayaa Farmaajo soo gaarsiiyey farriin iyo salaan uu uga siday Madaxweynaha dalka Itoobiya Marwo Sahle-Work Zewde ayaa uga mahadceliyey shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed soo dhoweynta diirran ee uu kala kulmay.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa uga warbixiyey Safiirka xaaldda dalka iyola dagaallanka argagixisada; halka Danjire Cabdulfataax Cabdullaahi Xasan uu sheegay inay ka go’an tahay adkeynta xiriirka labada dal ee ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam.


