Aqalka Odayaasha ee Senate-ka Mareykanka ayaa ansixiyay in Safiirka cusub ee Maretkabnka u soo magacaabay Soomaaliya.
Safiir Larry Edward Andre, Jr. ayaa noqonaya Safiirka Mareykanka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna shaqada ka bedeali doonaa danjirihii hore Donald Yamamoto oo xilkaasi hayay tan iyo bishii October ee 2018.
Madaxweyne Mareykanka Joe Biden ayaa bishii April magacaabay Larry André Jr, oo ah rug caddaa muddo badan kasoo shaqeynayay inuu Mareykanka safiir uga noqdo Soomaaliya.
André ayaa hore u soo ahaa safiirka Mareykanka ee Jabuuti intii u dhaxeysay November 2017 illaa January, 2021, isaga 2014 kii ilaa 2017 soo noqday safiirkii Maraykanka ee dalka Mauritania.
Safiirka cusub oo Soomaaliya kusoo jeeda ayaa Wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo xaalad cakiran iyo doorasho muran ka taagan yahay ay Soomaaliya ku jirto, waxaana Mareykanku uu saameyn weyn ku leeyahay Soomaaliya.
