Madaxweynaha dalka Masar ayaa warqadaha Aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay Safiirka Soomaaliya u magacawday dalkaasi ee Cabdiqani Maxamed Waceys.
Safiirka cusub oo hore u ahaa danjiraha Soomaaliya ee India ayaa dhowaan loo magacaabay ilkan cusub, kadibn markii uu geeriyooday safiirkii Soomaaliya mudadda dheer u fadhiyay dalkaasi C/llaahi Jaamac.
Madaxweynaha Masar oo ka hadlay kulankii qaabilaadda Safiirka Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Masar ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya , islamarkaana safiirka looga baahan yahay in uu sare u qaado xirriirka ka dhaxeeya labada dal.
Safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsan dalka Masar Mudane Cabdiqani Maxamed Waceys oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii uu u sii jiri lahaa xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal , isagoo dowladda Masar uga mahadceliyay taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya.
Wadani.com