Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 5
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Somali»Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya K/Afrika oo shan bilood kadib xilka la wareegay

    Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya K/Afrika oo shan bilood kadib xilka la wareegay

    September 14, 20153 Mins Read Somali
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Safiir Jamaal Maxamed Barrow
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Koonfur Afrika Jamaal Maxamed Barro ayaa  ugu danbeyn  xilka la wareegay kadib markii uu muddo 5 bilood ka badan uu ku magacawnaa, iyadoo golaha wasiirada Soomaaliya ay horaantii Bishii April ee sanadkan u magacaabeen xilkan. (Akhri Magacaabiddii Safiirka)

    Munaasabada uu xilka kula wareegayay danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona dalkaani Koonfur Afrika danjire Jamaal Maxamed Barow ayaa waxaa ka qeyb galay guud ahaan maamulka iyo shaqaalaha safaaradda ee horay usii waday shaqadii dublamaasiyadeed ee ay Soomaaliya ka waday dalkaani Koonfur Afrika.

    Qunsulka Safaaradda Soomaaliyeed ee Konfur Afrika mudane Maxamed Cali Mire oo xilka safiirka horay usii hayay ayaa ugu horeyn u mahadceliyay guud ahaan maamulkii iyo shaqaalihii mudadii uu shaqeenayay lasoo shaqeeyay, isagoo xilka ku wareejiyay Safiirka cusub danjire Jamaal Maxamed Barow.

    Mudane Maxamed Cali Mire qunsulka Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika mar uu ka warbixinayay shaqaalaha ayaa sheegay inay Safaarada joogaan 18 xubnood oo iskugu jira dublamaasiyiin, uqeybsanayaal iyo shaqaale hoosaad, kuwaasoo howla muhiim ah uga haya dowlada Soomaaliya dalkaani Koonfur Afrika.

    Safiirka cusub ee Soomaaliya u joogi doono dalka Koonfur Afrika danjire Jamaal Maxamed Barow oo  xilka maamulka Safaaradda la wareegay ayaa sheegay in dalka Koonfur Afrika uu horay labo jeer u yimid, xiligii uu ahaa wasiir Ku-xigeenka wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya, xiliyadaas oo uu safaaradda iyo jaaliyada Soomaaliyeedba howlo muhiim ah kala qabtay dowladaani Koonfur Afrika uuna si weyn ugu faraxsan yahay inuu danjire cusub u noqdo uuna rajeenayo inuu wax badan oo waxtar u leh bulshada uu soo kordhin doono.

    Danjire Jamaal Maxamed Barrow danjiraha Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika ayaa ka warbixiyay saddex qodob oo ay safaaraddu u furan tahay, kuwaasooo uu ku sheegay ugu horeyn inay tahay inay ka shaqeyso xoojinta xiriirka labada dal, wadashaqeyn lala yeesho wadamada danjirayaashu u joogaan iyo ilaalinta xuquuqda iyo shuruurcda Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaani Koonfur Afrika. Wuxuuna si gaar ah ugu hanbalyeeyay uguna mahadceliyay guud ahaan Jaaliyadda Soomaaiyeed ee Koonfur Afrika kuwaasoo gacan weyn ka geystay jiritaanka iyo furitaanka Safaaradda.

    Safaaradda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo furan mudo saddex sano ku dhawaad ah oo uu geeriyooday safiirkii koowaad ee ay yeelato mudo yar kadib markii la furay. Danjire Jamaal Maxamed Barow ayaa noqonaya safiirkii labaad oo ay safaaraddu yeelato tan iyo intii calan Soomaaliyeed laga taagay dalkaani Koonfur Afrika, iyadoo ay xilligaani baahi badan u qabaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika waxqabadka safiirka iyo safaaradda ayna rajo xoogan ka leeyihiin in danjirahaani uu noqdo kii usoo dhicin lahaa xuquuq badan oo uga maqan dalkaani Koonfur Afrika.

    danjireunnamedunnamed (1)unnamed (2)unnamed (3)unnamed (4)unnamed (5)unnamed (6)unnamed (7)unnamed (8)unnamed (9)

    [ad name=”HTML”]

    unnamed (10)unnamed (11)

    Wadani.com
    [ad name=”HTML-1″]
    Jamaal Barrow Koonfur Afrika Safiir
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleUPDF suspends officers as Somalia deaths reach 19
    Next Article Former refugee becomes Danish running champ

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo