Friday, May 16, 2025

Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya oo ka badbaaday qarixii Trebunka

Qarax xoogan oo la filayo inuu is miidaamin yahay ayna dad badan ku dhinteen ayaa goor dhoweyd ka dhacay agagaarka Trebuunka, degmada Hodon ee magaalada Muqdisho. Qaraxan ayaa la sheegay in lala beegsaday kolonyo yar oo baabuur ah oo ay la socdeen saraakiil ka socotay dalka Imaaraadka Carabta oo goobta marayay, waxaana uu haleelay gaari Land cruiser ah oo wafdigaasi ilaalada u ahaa.

safiirkaUAE
Safiirka dalka Imaraadka Carabta u jooga dalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan

Wararka ayaa xaqiijinaya in weerarka lala beegsaday safiirka dalka Imaraadka Carabta u jooga dalka Soomaaliya Maxamed Cusmaan  kaasoo la socday gawaarida qaraxa lala beegsaday. Saraakiisha Amniga ee dowladda ayaa sheegay inuu safiirku bed qabo laakiin ay qasaare soo gaartay baabuurtii uu la socday. Safiirka UAE ayaa muddooyinkii danbe dardar xoog leh ka waday Soomaaliya iyadoo dowladiisa aya qalab ciidan iyo gaadiid siisay maamuladad dalka ka jira iyo dowladda Federaalka.

Goobta qaraxa ka dhacay oo y dhow meel baabuurta lagu dhaqo oo dad badan ay ku sugnaayeen ayaa waxyeelo badan ka soo gaartay dad weynihii meesha ka dhowaa, waxayna wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ilaa toban ruux oo rayid u badan ay ku dhinteen, iyadoo dhaawaca uu aad u tiro badan yahay.

Ad

Goobta ayaa isu bedeshay meel dad dhaawac iyo dhimasho is dhex yaallaan oo dhiig badan qulqulay, waxaana daadgureynaya baabuurta gargaarka degdegga.

Waa qaraxii ugu horeeyay ee noociisa ah oo bishan Ramadaan ka dhaca magaalada Muqdisho iyadoo dowlada Federaalka ay xoojisay sugidda ammaanka, kooxda Alshabaabna ay balan qaaday inay kordhin doonto weerarada.

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON