Safiirka dowladda Mareykanka u fadhiya Kenya Kyle McCarter ayaa laga soo xigtay inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ka dalbaday inuu ka tanaasulo Dacwadda xuduudka Badda ee Soomaaliya kala dhexeysa dalka Kenya, taasoo hortaalla Maxkmadda Caalamiga ah ee ICJ.
Wareysu uu maanta daabacay Wargeyska Daily Nation ayaa safiirka Mareykanka ku sheegay in mowqifka Mareykanka ee dacwadda Xuduudka Badda ee Somalia iyo Kenya uu yahay in lagu dhammeeyo meel ka baxsan maxkamadda, sigoo intaas ku daray inuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo kala hadlay arrintan, una sheegay inuu isaga haro kiiskaasi oo la heshiiyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.
“Arrintan waa in si degdeg loo galaa, waxaan kala shaqeynaynaa in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmajo iyo Uhuru Kenyatta ay miiska wadahadalka isuu yimaadaan. Waxaan tegay Magaalada Muqdisho si aan ula hadlo Madaxweynaha Soomaaliya, waxaan u sheegay in inuu ka baxo Dawcwadda Maxkamadda ,” ayuu yiri safiirka Mareykanka ee Kenya.
Kyle McCarter wuxuu sheegay in madaxweynaha Kenya uu sameynayo wixii karaankiisa ah, Mareykankuna uu dadaal ku bixinayo sidii arrintan xal loogu heli lahaa.
Dowlada Somalai ayaan shaacin imaanshaha safiirka Mareykanka ee Kenya ku gaaray magaalada Muqdisho, waxayna arrintan sii kordhineysaa shakiga weyn ee la gelinayo sida dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Farmaajo ku wado kiiska dacwadda Badda.