Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Stephan Schwartz ayaa kulan la yeeshay maanta madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Kulanka ayaa ku saabsanaa xiriirka labada dal iyo iskaashiga ka dhaxeeya iyadoo ay ahay markii ugu horeysay ee Madaxweyne Farmaajo uu kulan la yeesho Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya.
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay inuu kala hadlay safiirka arrimaha ammaanka iyo abaaraha. “Waxaan la kulmay Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Stephan Schwartz oo aan kala hadlay gurmadka abaaraha iyo amniga..” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo oo qoraal soo dhigay bartiisa twitter-ka.
Safiirka ayaa madaxweyne Farmaajo guddoonsiiyay Koofi lagu soo xardhay halheyskii madxaweynaha Mareykanka Donald Trump oo halkii Mareykanka lagu bedelay Somalia.
DAAWO SAWIRRO
Wadani.com