Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa shaaciyey heshiis is-afgrad ah oo ay gaareen Ra’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto.
Qoraal ka soo baxay safaaradda Mareykanka kadib kulan ay yeesheen labada dhinac ayaa lagu sheegay inuu safiirka Mareykanka ugu hambalyeeyay Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble kalsoondii uu Baarlamaanka Federaalka siiyey.
“Waxaan ku heshiiyey muhiimada ay leedahay in waqtigiisa lagu fuliyo Heshiiska Doorashada, Dowlad wanaag iyo in la sii wado dib u habeynta dhaqaalaha iyo Amniga” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Mareykanka oo soo xigatay Danjire Donald Yamamoto.
Mareykanka ayaa isla maanta heshiis deyn cafin ah la saxiixday dowladda Soomaaliya, waana dalka ugu weyn ee saameynta ku leh arrimaha Soomaaliya, wuuxuna heshiiskan u muuqdaa in Ra’iisal wasaaraha cusub loogu jeexay tubta uu ku scoonayo.