Iyadoo wakiilada beesha caalamka ay bilaabeen inay soo dhex galaan khilaafka hareeyay Baarlamaanka Soomaaliya ee ka dhashay mooshinka kalsooni kala noqoshada guddoomiye Jawaari ayaa Turkiga uu noqday dalkii ugu horeeyay arrintan ku soo baxa.
Guddoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa maanta xafiiskiisa Villa Hargeisa kulan gaar ah kula yeeshay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar oo wadahadal saacad qaatay ku yeesheen.
Wararka ayaa sheegay in kulankan ayaa looga hadlay xiriirka labada dhinac iyo sidii xal loogu heli lahaa xaaladda ka taagan Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kulanka oo aan loo ogolaan saxaafadda, lana shaacin wixii kasoo baxay.
Dhinaca kale guddoomiye Jawaari ayaa kulan kale la yeeshay madaxa hay’adda TIKA ee qaabilsan mashaariicda dhismooyinka Turkiga, iyadoo lagu wado in TIKA ay fuliso dhismaha cusub ee Golaha shacabka.