Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa si degdega ugu yeeray inuu la-tashi ahaan dalka ugu soo laabto safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Qatar.
Qoral kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda 2-dii bishan Maarso ayaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar Danjire C/risaaq Faarax Cali Taano lagu maray inuu la-tashi u yimaado magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya waxay si KMG ah xilka Sii-hayaya Safiirka Safaaradda Soomaaliya ee dalka Qatar ugu magacowday haweeney lagu magacaabo Ruun Saciid Qoorsheel.
Tallaabdan ayaa imaaneysa iyadoo isla maanta la filayo inuu Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqasho rasmi uga bilaabto dalka Qatar.
Danjire C/risaaq Taano ayaa ka mid ahaa Safiirada waaweyn ee ay ku tiirsaneyd Dowladii Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo, siagoo xiriiriye u ahaa Dowladda Qatar iyo madaxdii dowladii Farmaajo, sidoo waxay cididi ahaayeen Agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji.