Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay dalka Qatar ayaa banneeyay xilkii safiirnimo kadib markii ay xilka ka qaaday dowladda Soomaaliya.
Safiir Cumar Sheekh Cali Idiris ayaa loo sheegay inuu dhammaaday waqtigii xilkiisa safiirnimo, waxaana soo sagootiyay wasiiru dowlaha arrimaha dibadda dalka Qatar Sayid Suldaan Bin Sacad, wuxuuna ka mid ahaa 8 safiir oo wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya u yeertay inay dib ugu laabtaan Muqdisho.
Qaar ka mida safiirada dowladda u yeertay oo lagu amray inay tagaan Muqdisho ayaa ka biyo diiday, iyadoo ay xilalkooda sii wataan sida safiirka Soomaaliya u jooga Imaaraadka Carabta oo taageero ka heysta dowladda dalkaasi.
Safiirka Soomaaliya ee Qatar oo ka mid ahaa kooxdii Asmara waxaa xilka u magacaabay madaxweynihii hore Sheekh Shariif, waxaana muddooyinkii dambe laga dareemay inuu ka horjeedo dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.