Dowladda Soomaaliya ayaa bedeshay safiirkii u fadhiyay dalka Talyaaniga Muuse Xasan Cabdulle, iyadoo xilka safiirnimo ee Danjiraha Soomaaliya ee Roma uu la wareegay Jen. C/raxmaan Sheekh Ciise.
Safiirka Cusub ayaa ahaa la-taliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha Soomaaliya, waxaana dhowaan golaha wasiirada ay u magacaabeen inuu safiir noqdo iyadoo aan la shaacin dalka uu safiirka ka noqonayo, balse waxaa soo shaac baxday hadda inuu tegay safaaradda Soomaaliya ee dalka Talyaaniga.
Jen. C/raxmaan Sheekh Ciise oo ka soo jeeda Beesha Shanaad wuxuu ka tirsanaan jiray ciidamadii xoogga dalka dowladdii dhexe ee Somalia, wuxuuna taliye kasoo noqday xerada 26-aad ee ciidamada xoogga dalka ee ku taala Magaalada Hargeysa.
Safiiro kale ayaa lagu wadaa inay dhowaan la bedelo iyadoo ilaa 7 safiir oo cusub lana magacaabay ay sugayaan in dalalkii loo diri lahaa loo diyaariyo.
Wadani.com