Siyaasiga Salaad Cali Jeelle ayaa khudbad kooban oo dad badan u sacaba tumeen ka jeediyay xaflada furitaanka Garoonka cusub ee magaalada Boosaaso oo hoor dhoweyd furitaankiisa soo gabagaboobay.
Salaad Cali Jeelle ayaa weerar ku qaaday nidaamka 4.5 isagoo sheegay in qaabkaasi aan lagu sii socon karin, wuxuuna dowladda Federaalka tusaale ahaan ugu soo qaatay inay la mid tahay Haweeney fooshu ku dheeraatay oo u baahan in lagu duro kululeyso si ay u dhasho nidaamka degaanka.
“Waxaa la yiri haweenku haddii foosha ku dheeraato oo ay dhali weyso, waxaa lagu duraa kululeyso, waxaan leeyahay dowladeena kululeyso ha lagu duro” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo sacab fara badan u dhacaan.
Arrintaas oo si weyn uga farxisay madaxda Puntland ayaa intii ka dambeysay ee khudbadaha jeediyay waxay soo qaateen hadalkii Salaad Cali Jeelle, iyagoo dowladda Federaalka ka dalbaday in meesha laga saaro 4.5
Wadani.com