Siyaasiga Salaad Cali Cali Jeelle oo ka mida guddoomiyeyaasha xisbiyada dalka ka jira ayaa maanta ka hadlay falkii lagu xiray siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame.
Wuxuu sheegay in dhimashadii ka dhacday Guriga C/raxmaan C/shakuur ay ahayd mid aan loo baahneyn oo laga baaqsan karey, isla markaana ay ahayd khalad ay sameeyeen hay’adaha amniga, wuxuuna ku baaqay in cadaaladda laga shaqeeyo.
“Waxaan ku baaqayaa in baarista siyaasiga C/raxmaan C/shakuur la dedejiyo si uu cadaalad u helo…” ayuu yiri Salaad Cali Jeelle oo la hadlay madaxda dowladda Federaalka, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay ilaaliyaan nabadda iyo dowladnimada, wuxuuna intaas ku daray; “Qabiil waa noqon waayey Qaram, 27 sano ayaan qabiil ku shaqeynay, maanta waa markii aan kasoo kabsan lahayn..”
Madaxda dowladda ayuu sheegay in muddo 4 sano ah la doortay, haddii ay u dhammaatana la geli doono doorasho cusub, balse aysan habooneyn in qas siyaasadeed la kiciyo.
Wuxuu canbaareeyay Salaad Cali Jeelle dowlado faragelin ku haya Soomaaliya oo dhaqaale ku bixinaya qas siyaasadeed oo dalka ka dhaca, halkii ay ahayd inay kaalmeeyaan Soomaaliya.