Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Saturday, June 6
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Qormooyinka»SALKA KHILAAFKA GALMUDUG (Yaa is-haya maxaase la isku hayaa..?)

    SALKA KHILAAFKA GALMUDUG (Yaa is-haya maxaase la isku hayaa..?)

    May 27, 20183 Mins Read Qormooyinka
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Galmudug tan iyo heshiiskii lala galey Ahlusuna iyo qaabkii heshiiskaa loo dhameystirey waxaa ka yimid cabashooyin ay qabaan beello dega Galmudug oo aamminsan in lagu tuntey Dastuurkii Galmudug beelluhu ku heshiiyeen iyo awood qaybsiga beellaha dega Galmudug. Arrimaha ugu weyn ee laysku hayo ayaa waxaa ka mid ah:

    1. Ahlusuna oo diidan in tirada Xildhibaanada ka imaanaya Galmudug lagu qaybsado qaabkii hore ee lagu soo xuley xildhibaanada Galmudug in beel walba la siiyo tiradii Xildhibaanada ay hore u haysatey. Taa bedelkeeda Ahlusuna waxey la soo shir tagtey Xildhibaano ka tira badan kuwii hore ee Baarlamaanka Galmudug ka koobnaa waxey kaloo jibisey awoodii qaybsigii beellaha dega Galmudug wax ku soo qaybsadeen xilligii la dhisayey Galmudug iyaga oo u kala sad badiyey tirada beellaha. Dooda Ahlusuna ayaa ah in iyagu qabiil ahayn balse urur yihiin.

    2. Dastuurka cusub ee Galmudug waxaa mudo kororsi loogu sameeyey Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Galmudug waxeyna xilligooda ka bilaabmayaa 26.03.2018 mudada lagu kordhiyeyna waa 4 sano taas oo macnaceeda in Xaaf madaxweyne ka sii ahaanayo Galmudug ilaa iyo 25.03.2022-da waxaana arrintaa khilaafeysaa heshiiskii Galmudug lagu dhisey ee ahaa in Baarlamaanka Galmudug xilligiisu yahay 4 sano laga bilaabo May 2015 kuna dhamaanayo bisha May 2019-ka, mudadaas ka hor in Xildhibaanno cusub lagu soo xulo kadibna doorashada madaxweynaha cusub ee Galmudug ay dhacdo ugu danbeyn July 2019.

    3. Madaxweyne Xaaf iyo madaxda Ahlusuna waxey qabaan in Galmudug 4 sano cusub u bilaabantey, Xildhibaanada dheeriga ah ee Ahlusuna keensateyna oo 20 gaaraya in sidooda Xildhibaanno ku ahaadaan awood qaybsiga beellaha Galmudug degta in la eegin madaama Ahlusuna urur diimeed yihiin.

    Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo beellaha wax ka dhistey Galmudug qaar kamid ah waxey qabaan in Dastuurka Galmudug hore la dhowro oo doorasho madaxwynaha Galmudug la aado 2019 iyo in la dhowro awood qaybsiga beellaha dega Galmudug habkii hore ee Xildhibaanada u qaybsadeen iyo in Ahlusuna tiro dheeri ah Xildhibaanno ah loogu darin lana siiyo tiro la eg tiradii hore ee ka koobnaayeen Xildhibaanada Baarlamaankii hore ee Galmudug.

    4. Reer Cadaado waxey qabaan in Baarlamaanka Galmudug ku shaqeeyo magaalada Cadaado sida uu hore Dikreeto ugu soo saarey madaxweyne Xaaf asaga oo raacayey talo soo jeedintii madaxweyne Formaajo xilligii uu safarka ku marayey Galmudug. Arrintan ayaan lagu xusin Dastuurka cusub ee Galmudug ee lagu diyaariyey Dhuusomareeb.

    5. Dowlada Federaalka waxey qabtaa in Galmudug xilligeeda ku eg yahay 2019 bartamaheeda ka horna la soo xulo Xildhibaanno cusub lana dhowro awood qaybsiga beellaha Galmudug degta nidaamkii ay hore wax ugu qaybsan jireyn.

    Waxaa kaloo jiri kara cabashooyin ay beello qaar ay qabaan oo aniga la socon.

    W/Qorey: Ilyaas Maxamuud Xuseen
    Wasiir ku xigeenka Waxbarashada Galmudug

    Ahlu suna Cadaado Dhuusamareeb Galmudug Xaaf
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleTurkiga oo shaaciyey sababta joogitaankiisa Dalka Soomaaliya [Tartan miyuu kula jiraa dowlado kale…?]
    Next Article Howshii Dib u eegista Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo lala aaday Magaalada Nairobi [Sawirro]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo