Wararka laga helayo degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha hoose ayaa sheegaya in howlgallo Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka sameeyeen xaafadaha degmadaasi ay ku soo qabteen Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Guddoomiye Kuxigeenka Amniga degmada Qoryooley Cabdi Axmed Cali ayaa sheegay in howlgaladaasi ciidamadu ay fuliyeen lagu soo qabtay labo saregaal oo ka tirsan ururka Alshabaab. wuxuu intaas ku daray in mid ka mida ragga la soo qabtay uu yahay shaqsigii qarxiyay Buundadii degmada Qoryooley,halka midka kalena uu ku sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Zakawaadka Al-Shabaab ee Degmada Qoryooley ugu qaabilsanaa.
Ciidamada Milatariga iyo kuwa AMISOM ayaa Maalmahaan Baaritaano ka waday Degmada iyo degaano hoosyimaada. Dhanka kale Al-shabaab wali kama hadlin wax ka jira Warka ka soo baxay Maamulka Degmada Qoryooley ee ah in ay hayaan Rag ka tirsan Shabaab.
Wadani.com