Ciidamada kumaandooska Danab ayaa howlgallo ay ka fuliyeen Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe ku qabtay saraakiil ka tirsan Alshabaab.
Horjoogayaasha Alshabaab ee howlgalka ciidamada Danab lagu soo qabtay ayaa kala ah: Madaxii Maaliyadda Gobolka Hiiraan Xasan Yuusuf Cali iyo Madaxii sakawaadka Gobolada Shabeellooyinka C/llaahi Isaaq Xuseen, sida laga soo xigtay taliyaha Ururka 4aad ee Kumaandooska Danab Labo Xidigle Maxamed Saleebaan.
Warbaahinta ciidamada dowladda ayaa si joogto ah u shaacisay howlgallo ay qaadeen ciidamada iyo horjoogayaal lagu dilay ama lagu qabtay, iyadoo aan wax caddeyn ah, mana jirto cid xaqiijin karta.
