Saraakiil ka tirsan Ciidamada Booliska Kenya ayaa lagu dilay qarax ka dhacay degmada Liboi ee u dhow xududka Soomaaliya.
Gaari ay wateen saraakiishan ayaa qarax nooca dhulka lagu aaso ku qabsaday Degaanka biyo xireenka Kulan ee Liboi, Gaarisa.
Qaraxa ayaa sababtay inay dhintaan saddex Sarkaal, isla markaanaay ku dhaawacmaan laba kale, Booliska ayaa la sheegay inay ku safrayeen wadadda Liboi ilaa Milan.
Saraakiisha qaraxa ku dhintay ayaan magacyadooda la shaacin, waxaase la sheegay inay dhaawacmeen Oliver Ochieng’ iyo Nahashon Omondi.
SAWIRRO