Laba sarkaal oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Booliska Soomaaliyeed
ayaa xabsiga la dhigay iyadoo lagu eedeeyay khalkhal gelin ammaanka iyo been abuur jago ciidan.
Labada sarkaal ee la xiray ayaa kala ah Korneyl Maxamed Jimcaale Cosoble oo sheegtay inuu yahay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo been abuur ah iyo Korneyl kale oo magaciisa lagu sheegay Yuusuf oo la sheegay inuu qeyb ka ahaa been abuurkaasi.
Labadan sarkaal ayaa ku xiran xabsiga dhexe ee Muqdisho, waxaana lagu wadaa in dacwad lagu soo oogo, kiiskan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo ka dhex dhaca saraakiisha Booliska.
Wadani.com