Dowladda Kenya ayaa shaacisay qaabkii dib loogu soo celiyay duulimaadkii diyaaradaha ee tooska ahaa Muqdisho ilaa Nairobi.
Madaxtooyada Kenya ayaa lagu qoray warbixin ku saabsan tallaabooyibkii la qaaday intii aan la ogolaan inaan diyaaradii ugu horeysay ay shalay ka degto magaalada Nairobi, iyadoo ka duushay magaalada Muqdisho.
Kenya ayaa sheegtay inay magaalada Muqdisho u dirtay koox ammaan iyo sarakiil soo qiimeeya xaaladda ammaanka garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo koox ka socota Kenya ay ka howlgalayaan garoonka Muqdisho, si ay u hubiyaan ammaanka diyaaradaha isaga gooshaya Muqdisho iyo Nairobi.
Kenya oo arrintan si weyn u buunbuunisay waxaa duulimaadkii koowaad garoonka Jommo Kenyatta ku soo dhoweeyay wasiirka Gaadiidka James Macharia iyo wasiirka arrimaha gudaha Joseph Nkaissery.
Kooxda Kenya ee ka howlgaleysa Garoonka Muqdisho ayaa qabaneysa howshii garoonka Wajeer qaban jiray, waxaana arrintan ay labada dowladood siiyeen qiimeyn siyaasadeed oo ka weyn muuqaalkeeda.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa caddeeyay inay arrintan u sameeyeen soo dhoweynta madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, halka Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu isna Baarlamaanka Soomaaliya ka hor sheegay guusha uu gaaray.
Wadani.com