Waxaa magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug maanta tegay saraakiil ka tirsan ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya, kuwaasoo la sheegay in diyaarinayaan saldhig ay ciidamada Kumaandooska ee Danab & kuwa Mareykanka ka sameysanayaan magaaladaasi.
Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa kulan kula yeeshay Garoonka diyaaraha magaaladda Dhuusamareeb saraakiishan ka socotay Taliska Afrika ee ciidamada Mareykanka.
Taliska Mareykanka Afrika ee AFRICOM iyo ciidamada ay tababarreen ee Danab ayaa Soomaaliya ka fuliya howlgallada duqeynta ee Alshabaab.