Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan magaaladaasi ay si degdeg ugu yeereen saaka Madaxweynaha Maamulka Ahlusunna ee Gobolada Dhexe Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.
Lama oga sababta ciidamada Itoobiya ugu yeereen, iyadoo amarkani imaanayo kadib dagaal xoog leh oo ka dhacay degmada Caabudwaaq oo kooxda Ahlu suna lagala wareegay.
Kulan dhex maray saraakiisha Itoobiyaanka iyo Madaxa Ahlu suna ayaa ka dhacay Kontoroolka Magaalada Dhuusamareeb ee saldhigga ay ku leeyihiin ciidamada Itoobiya. Ciidamada Itoobiyaanka ayaa dhowr jeer u yeeray Sheekh Shaakir iyadoo mararka qaarkood saacado badan halkaas ku hayay.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]