Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ayaa sheegay in ciidamada dowladda Imaaraadka ka joogay Puntland ay go’aansadeen inay ka guuraan halkaasi.
Saraakiishan oo magaalada Boosaaso u joogay tababarka ciidamada Badda Puntland iyo qalabeyntooda, ayaa xubno u dhow u sheegay inay ka guurayaan degaanada Puntland, iyadoo wararku sheegayaan inay u wareegayaan magaalada Berbera ee Somaliland.
Markab Imaaraadku leeyahay oo dekadda Boosaaso ku soo xirtay Saaka ayaa la sheegay in loo diiday in lagu raro Hub iyo Saanad saraakiisha Imaaraadku doonayeen inay ku rartaan, iyadoo weli ay arrintaasi taagan tahay.
Shil kale oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha Boosaaso ayaa saraakiisha tababarrayaasha ah ee Imaaraadka loogu diiday inay qaataan wax hub ah iyadoo lagu qasbay in baaritaan lagu sameeyo Boorsooyin iyo Sanaadiiq ay wateen.
Wararka qaar ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu diiday inuu ka hor yimaado go’aankii dowladda Soomaaliya ku joojisay iskaashigii milateri ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Imaaraadka.