Dabley hubeysan oo ak tirsan Alshabaab ayaa galabta magaalada Muqdisho ku dishay saraal ka tirsan ciidamada Booliska.
Falka dilka ah ayaa ka dhacay Isgoyska Trebuunka, degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, kadib markii dabley Bistoolado ku hubeysan ay weerar ku qaadeen Sarkaalka oo Gaari yar watay, halkaasina ka baxsadeen markii ay toogteen.
Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay Col. Fayte Dhegacadde, wuxuuna ka mid ahaa ciidamada Booliska ee laga soo wareejiyey Hay’adda Nabadsugidda ee NISA.
War kasoo baxay Alshabaab ay ku sheegtay mas’uuliyadda dilka Col. Fayte, waxayna sheegeen inuu ahaa Taliyaha Saldhigga Booliska degmada Hodan.
