Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in halkaasi caawa lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada Booliska.
Dabley Bistoolado ku hubeysan ayaa dil qorsheysan ku fulisay Laba Xiddigle Axmed Xasan Biriq xilli uu ku sugnaa xaafada Howlwadag ee Degmada Beledweyne, waxayna dableydii dilka geysatay isku dayeen inay baxsadaan.
Sarkaalka ayaa goobta ku geeriyooday, waxaana usoo gurmaday ciidamada Booliska magaalada, ay u suuragashay inay ka daba tagaan dableyda dilka geysatay oo loo maleynayo inay Alshabaab ka tirsan yihiin.
Wararka ayaa sheegaya in falka dilka kadib ay howlgal aya qaadeen ciidamada Saldhigga Galbeed ee magaalada Beldweyne ay toogasho ku dileen laba dabley ah oo ka danbeeyay dilka Sarkaalka Axmed Xasan Biriq.
Booliska ayaa soo bandhigay sawirrada meydadka labada dagbley ee la toogtay, waxaana sidoo kale saraakiishu sheegeen in nolosha lagu qabtay seddax qof oo kale oo lagu tuhmayo inay dilka sarkaalka ku lug lahaayeen.
