Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in weerar qorsheysan lagu khaarijiyay mid ka mida saraakiisha ka howlgasha Garoonka Diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho.
Kooxo hubeysan ayaa Xaafadda Dabakaayo-madow ee degmada Dharkeynley toogasho ku dilay sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Xasan Tooxoow.
Dableyda dilka geysatay oo ku hubeysneyd bistoolado ayaa goobta ka baxsaday, halkaasoo ay markii danbe gaareen ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya.
Wadani.com