Wararka laga helayo degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in iska hor imaad ka dhacay degmadaasi lagu dilay Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ee halkaas ku sugnaa.
Dagaaalka ayaa dhex maray ciidamada milateriga dowladda iyo ciidamo kale oo degaanka ka soo jeeda oo isku qabtay arrimo ku saabsan maamulka degmada, waxaana dagaal xoog leh oo labada dhinac dhex maray ku dhintay saddex ruux oo uu ka mid yahay Col. C/llaahi Axmed Geelqaad.
Sida uu sheegay Duqa degmada Jalalaqsi Cumar Cusmaan Macow ayaa xaqiijiyay in dagaalkaasi dhacay oo dhowr qof ay ku dhinteen, kuwo kalena ay ku dhaawacmeen kuna mashquulsan yihiin aasidda meydka.
Ciidamada dowladda ayaa caadiyan dhexdooda ka dagaalama, taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo qaarkood ay yihiin maleeshiyooyin asluubtooda ay liidato.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]