Wararka laga helayo gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo ciidamo la socday lagu laayey qarax loo dhigay duleedka degmada Wanlaweyn.
Qaraxa ayaa haleelay Gaari ay saarnaayeen Ciidamada Milatariga Soomaaliya iypo sarkaalkooda oo lagu qarxiyay meel 10 Km u jirta degmada Walla-weyn ee gobalka Shabeelaha Hoose oo isla shalay qarax is-miidaamin uu ka dhacay.
Gaariga oo qaraxa ku baaba’ay ayaa la sheegay inay la socdeen 13 Askari iyo Taliyahooda, waxaana qaraxa ku dhintay 9 Askari iyo Sarkaalka, iyado 4 askari oo kale dhaawacyo kasoo gaareen.
Qaraxa oo ahaa Miinada Dhulka lagu aaso qasaare xoog leh geystay, waxaana taliyaha dhintay in ciidamadiisa ay kasoo baxeen degmada Wanlaweyn iyagoo ku soo jeeday magaalada Muqdisho.