Wararka laga helayo magaalada Muqdissho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay dil khaarijin ah ka fulisay caasimadda.
Dilkan ayaa ka dhacay goor dhoweyd degmada Wadajir, iyadoo koox bistoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo la sheegay in lagu magacaabi jiray Maxamed Timajilic , kaasoo ahaa tababarre ka tirsa ciidamada milateriga dowladda.
Kooxda Alshabaab ayaa sheegtay inay ka danbeysay dilka sarkaalka, iyadoo kooxdii dilkiisa geysatay ay ka baxsadeen goobtai oo markii danbe ay gaareen ciidamada dowladda.
Dilalka qorsheysan ayaa joogto ka ah magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyadoo aan inta badan lagu guuleysan in la qabto ragga falalkaasi geysta.