Wararka laga helayo magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay sarakaal ka tirsanaa ciidamada Booliska.
Nin ku hubaysan Qori nooca AK 47 ah ayaa saaka ku dilay waqooyiga magaalada Gaalkacyo sarkaalad lagu magacaabo Warsan Faarax Yacquub.
Dilka ayaa yimid kadib markii ninkan hubeysan isku dayay inuu waxyeelo u geysto jirkeeda, markii ay la dagaashayna uu rasaas ku furay, iyadoo markiiba Goobta ku geeriyootay.
Ninka falka dilka geysay ayaa ka baxsaday goobta, waxaana la sheegay inuu dadweyne kale dhac u geystay. haweeneydan ayaa la sheegay inay markii dambe ahayd ganacsato.
Goobta dilka ka dhacay ayaa la sheegay inay u dhowdahay Saldhiga Booliska degmada Gaalkacyo, iyadoo ciidamada booliska ay baadi goobayaan ninkan dableyda ah ee dilka geystay.
Wadani.com