Sarkaal ka tirsan ciidamada Nabadsugidda Soomaaliyeed ayaa goor dhoweyd lagu dilay magaalada Muqdisho. Koox hubeysan oo wadatay Gaari Nooca Raaxada ah ayaa la sheegay in Isgoyska CeelGaab ee degmada Xamarweyne ay ku dileen sarkaalkan oo noqona dilkii ugu dambeeyay falal xiriir ah oo ka socda Muqdisho.
Guddoomiyaha degmada Xamarweyne C/qaadir Maxamed C/aaadir ayaa sheegay in sarkaalka la dilay uu ka tirsanaa Hay’adda Nabad Sugidda Soomaaliya. wuxuuna magaciisa lagu soo gaabiyay Mahad, iyadoo kooxda dilka geysatay ay baxsatay.
Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka socday falal lagu ugaarsnayo saraakiisha Amniga iyadoo shalay oo qura afar ruux lagu dilay Muqdisho, waxaana sii socda falalkaasi oo u muuqda inay waxba ka qaban waayeen Hay’adaha ammaanka Muqdisho.
Wadani.com