Sarkaal ka tiran ciidamada Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA ayaa si dirqi ah uga badbaaday Miino loogu xiray gaari uu watay, Degmada Deyniile magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Ismaaciil Daahir ayaa la sheegay inuu ka war helay Miinada ku xiran gaarigiiisa xilli uu saarnaa, kadibna ay u suuragashay inuu ka dego intii aysan ku qarxin.
Kooxda Miino baarista ayaa gaartay goobta oo kala furtay miinadii, waxaana dhacday markii miinada la furay kadib inuu soo dhacay telefoonkii ku xirnaa oo loogu talogalay inuu qarxiyo. Waxay ahayd xaalad halis ah oo sarkaalka bartilmaameedku ahaa si dirqi ah uga badbaaday.
SAWIRRADA