Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dilal kala duwan ay maanta ka dhaceen magaalada Muqdisho, iyadoo lagu dilay askari iyo qof rayid ah.
Dilka hore ayaa ka dhacay Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho, iyadoo koox hubeysan ay ku dileen qof rayid ahaa oo ku sugnaa Qeybta Daawada ee Suuqa Bakaaraha. Dableyda dilka geysatay ayaa baxsatay iyadoo aan la aqoonsan qofka la dilay.
Dhinaca kale koox bistoolado ku hubeysan ayaa toogasho ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya oo magaciisa lagu sheegay Axmed Maxamuud Buulle.
Dilaka sarkaalka ayaa ka dhacay degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, waxaana goobta ka qaaday ciidamada ammaanka, iyadoo kooxda dilka geysatay ay isaga baxsadeen gobtaasi.
Dilalka qorsheysan ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyay, iyadoo Alshabaab ay sii xoojisay beegsida dad kala duwan oo qaarkood ay shacab ahaayeen.