Sarkaal ka tirsanaa kooxda Alsahbaab ee isu dhiibay ciidamada dowladda ee Gobolka Baay ayaa ka hadlay sababtii ku dhalisay inuu is dhoobo.
Sarkaalkan oo lagu magacaabo Xuseen Salaad Mukhtaar ayaa dalbaday in la cafiyo, wuxuuna sheegay inuu go’aansaday inuu Alshabaabka goosto kadib markii uu arkay in kooxda ay dadka shacabka si bareer ah u leyso.
Wuxuu sheegay inaan la kala sooceyn dadka oo la iska laayo, isla markaana wuxuu ugu baaqay kooxda saraakiisheeda iyo ciidamadeeda inay cafis weydiistaan dowladda Federaalka kana baxaan ururka Alsabaab.
DHAGEYSO